Home WARARKA Hadyadii Qaaliga Aheyd Ee Wasiir Beyle Ku Bixiyey Hoteel Ku Yaalla Nairobi...

Hadyadii Qaaliga Aheyd Ee Wasiir Beyle Ku Bixiyey Hoteel Ku Yaalla Nairobi & Shakhsiga Uu Siiyey

0
SHARE

Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Dr C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa waxa uu Hadyad Qaali ah Gudoonsiiyey Sargaal katirsan Hay’ada Lacagta Adduunka Ee IMF.

Wasiirka ayaa maalmahaan dambe kusugnaa Magaalada Nairobi isagoo kulamo kala duwan la qaadanayey Saraakiil katirsan Beesha Caalamka.

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee laga hadlayey ayaa ahaa ka qeyb qaadashada Hormarka Soomaaliya.

Wasiir Beyle ayaa Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka waxa uu yiri “Waxaan hadyad dhaqmeed guddoonsiiyay Mohamed ElHage oo ka tirsan IMF si aan ugu mahaceliyo shaqadii wanaagsanayd ee uu nagala qabtay dib u habaynta Maaliyadda. ElHage Shaqada ayuu ka farisanayaa lakiin intii uu nala shaqaynayay horumar muuqdo ayaan sameeynay  

Hay’adaha Fadhigoodu yahay Nairobi ayaa badankood waxay sheegeen inay Caawin doonaan Soomaaliya,si gaar ah barnaamijyada Mashaariicda Hormarka khuseeya.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE