Guuxa Doorashada oo si xowli ah looga dareemayo muqdisho & Lacag la qeybinayo

0

Magaalada Muqdisho ayaa saxmad siyaasadeed tii ugu xooganeyd laga dareemayaa iyadoo shacabka lagu soo rogay bandow caawa ka bilaaban doona iyaguna ay ku mashquulsan yihiin inay adeegtaan.

Hoteelada iyo guryaha ay deggan yihiin murashaxiinta ayaa waxa ka jira kulamo kala duwan,codka xildhibaanada la raadinayo ayaa ah waxa ugu badan ee laga shirayo.

Siyaasiyiin olole doorasho ku jira ayaa jira oo murashaxiinta ay dhisanayaan kasokoow ay raadinayaan xilal ay ka helaan marka ay guuleystaan shakhsiyaadka ay u ololeynayaan.

Xog ay heshay Warqaad ayaa sheegeysa in 37 murashax hadda tartanka ku jira maadaama C/naasir Cabdulle iyo C/kiriin Guuleed ay utanaasuleen C/raxmaan C/shakuur ay jiri doonaan murashaxiin kale oo iyaguna hankooda dhinac kale geynaya.

Lacagiihii ugu badnaa ayaa la bixinayaa ilaa caawa,waxaana xildhibaanada gobollada wuqooyi iyo kuwa KGS ay yihiin gor gortanka ugu badan meesha lala galayo,dabeysha halka ay ujeediyaana ay guusha raaci karto.

Feylasuufyadii siyaasada ayaa iminka lasoo warinayaa inay soo galeen garoonka ololaha,sida Faarax Sheekh C/qaadir oo Xasan Sheekh Maxamuud taageero mug iyo miisaan leh la garab jooga,Fahad Yaasiin oo sii diyaariyey murashaxii labaad ee Plan B laga dhigi lahaa hadii Farmaajo la riixo wareega labaad.

Sheekh shariif ayaa dhankiisa waxaa garab istaagay siyaasiyiin soo shukaaminta xildhibaanada aad loogu yaqaano islamarkaana laga yaabo inay guul uhorseedaan.

Khadiijo Diiriye & siyaasiyiin af miishaaro ka dhex ah Baarlamaanka ayaa shariif markaan usacbinaya,waana mid rajo badan la geliyey in uu doorkaan yahay mid noqon kara madaxweynaha 10aad Soomaaliya.

Xogaha la helay ayaa sidoo kale tilmaamaya in Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke uu ololaha C/raxmaan C/shakuur Warsame uu ku biiray waana mid saameynteeda la dareemayo iyaduna.

Lagama hordhici karo cida calafku siiyo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ee berri loo ballansan yahay inay ka dhacdo hangarka afisiyooni,balse nin walbo iyo xeeladiisa siyaasadeed ayaa lagu kala adkaan karaa.