Guuxa ka jira Muqdisho Ee Mooshinka & Villa Soomaaliya oo qorshe ay dejisey

0

Madaxweynaha soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa waxay soo kordhiyeen qorshe wasiirada magacaaban laga dhaadhicinayo in xukuumada ay ansixinteeda kala shaqeeyaan xildhibaanada beelahooda ku metala Baarlamaanka.

Kulamo gaar gaar ah oo xoog leh ayaa ka socda Muqdisho kuwaas oo Baarlamaanka iyo mooshinka xukuumada lagu diidayo xildhibaanada qaar wadaan lagu dhabar jebinayo.

Wasiirada Magacaaban ee Beesha Habar Gidir ayaa maanta siyaabo kala duwan ula kulmay xildhibaanada labada aqal ku metala beeshaasi.

Wasaaradda Arrimaha gudaha Axmed Macalin Fiqi , Wasiiru Dowlaha Magacaaban ee Madaxtooyadda  Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari) , Wasiir ku xigeenka  Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Yusuf Cumar (Cadaala) , Wasiiru dawlaha Magacaaban biyaha Maxamed  Cabdulaahi ,Wasiiru Dawlaha gaashaandhiga Cabdinuur fiidoow , Wasiir ku Xigeenka Magacaaban ee Boostada iyo  Isgaarsiinta Xuseen Culusoow iyo Xildhibaannada ay ku matalaan Xukuumadda,islamarkaana ay codsadeen in la taageero oo codka kalsoonida la siiyo xukuumadda cusub.

Sidoo kale xildhibaanada beesha baadi cade,ayaa iyaguna waxay maanta la kulmeen wasiirada magacaaban ee beesha kasoo galay Xukuumada.