Guux ka jira Villa Soomaaliya kadib soo laabashadii Maanta Fahad Yaasiin

0

Waxaa kulamo mar kale maanta ay ka bilowdeen Magaalada Muqdisho taas oo lagu dhameynayo khilaafka ka dhex jira Madaxweyne Farmaajo & R/wasaare Rooble.

Kulamada ayaa maalmahaan dambe ahaa kuwo hoos udhacay kadib markii uu fashilmay dhinaca Farmaajo shuruudo ay keentay si ay usaamaxdo Qorshaha Rooble.

Saaka waxaa muqdisho dib ugu soo laabtay Agaasimihii hore Ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyadoo lasoo warinayo in kulamadii socday uu ku biiray.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa dhexda uxirtay xal ka gaarista khilaafkaan haraadiyey hay’adaha Dawlada Federaalka waxaana Mursal ku wehlinaya waan waanta uu wado Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor.

Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa shuruudaha ay wataan ayaa waxa ka mid ah:

Arinta Kiiska Ikraan Tahliil loo dhaafo guddigii Madaxweyne Farmaajo magacaabo

Agaasimaha NISA oo ay rabto in Yaasiin Fareey sii ahaado

Iyo Wasiirka Amniga uu yahay sida sharciga Xasan Xundubeey Jimcaale

Lama oga sida ay xaaladu noqon doonto iyadoo dadka badankood isha kuwada hayaan khilaafka jira iyo qaabka loo xaliyo.

Agaasimihii hore Ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir hadana ah Lataliyaha Amniga Qaranka Madaxweyne Farmaajo dhawaan magacaabay ayaa waxa wararku sheegayaan in Kiiska Ikraan ay doonayaan sidii dhinac kale loo weecin lahaa,dadkana lala wadaagayo xog kooban.