Guux ka jira Villa Soomaaliya & ismari waa la dareemayo arinta xukuumada cusub

0

Ismari waa cusub ayaa laga soo sheegayaa xubnaha xisbiga UPD oo ku saleysan wasaarad dheeraad ah oo beesha daarood la siinayo Xukuumada Cusub Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxmauud iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ka shiray qadka taleefoonka wada hadal xalay dhexmaray oo ay uga hadleen qadiyada Wasaarada dheeriga ah.

Beesha Daarod ayaa horey uga heli jirtay 5 Wasiir xukuumadaha dalka soo maray balse sanadkaan waa ay ka duwanaan doontaa sidii hore oo waxa lasiin doonaa 6 Wasiir siday inoo xaqiijiyeen ilo wareed lagu kalsoon yahay.

Ra’iisul wasaaraha Magacaaban Soomaaliya Xamse Cabdi Aar ayaa iminka ku mashquulsan soo dhisida xukuumada cusub iyadoo siyaasiyiin badan ay xilal ka raadinayaan.

Xisbiga UPD ayaa waxay hadda isku maan dhaafeen Wasaarada dheeraadka ah ee Beesha daarood lasiinayo,iyadoo Wasiirka arimaha dibada Xukuumada cusub lasiin doono Prof, Doodishe.

Warar kale ayaa sheegaya in Wasiir laga yaabo in lasiiyo Cali Daahir Ciid oo ah Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug maadaama uu ku guuldareystay inuu helo xilka Ra’iisul Wasaaraha cusub.

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa inta uusan udhoofin dalka iskutaga Imaaraadka carabta waxa uu kulan la qaatay 10 kamid ah Xildhibaanada kasoo jeeda beesha Mareexaan isagoo Madaxweyne Xasan Sheekh tilamamay in damaca Ra’iisul wasaraha ee in beesha Majeerteen la siiyo uu yahay 2 Wasiir inaysan suurta-gal aheyn midaas, maadama Mareexaan yihiin Sade Daarod , Majeerteena yihiin laf kamid ah Kablalax Daarood,  qeybtoodana u qaadeen Ogaadeen oo helay xilka Ra’iisul Wasaare ah ,halka Dhulbahante & Warsangeli oo min 1 Wasiir ka helayaan xukuumada cusub.

Dhinaca kale Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay inuu garowsan yahay in Maxamed Cabdullahi Farmaajo xilligii uu Madaxweynaha ahaa uu beesha Abgaal siiyey 2 Wasiir iyo Wasiru Dowle, Mareexaana uusan intaas ka hoos mari doonin,iyaguna saami fiican lasiin doono.

Lama oga halka uu ku dambeyn doono guuxa cusub ee soo baxay eek u aadan in Xisbiga UPD ay isku aragti ka noqon waayeen arinta wasaaradaha xukuumada cusub iyo sida loo kala siinayo beelaha.