Dawladda Kenya ayaa lasoo warinayaa inay qaadatay go’aan ka careysiin kara Soomaaliya taas oo ah inay gebi ahaanba joojisey inay Baasaboorka Soomaaliga ah u ogolaato qofka wata Dal ku galkeeda.
Guux weyn ayaa durba ka dhashay tallaabada ay qaaday Kenya xilli dad badan ay uxaniban yihiin dal ku galka Kenya oo ay bil kabadan sugayeen.
Xogta laga helay saraakiisha Hay’adda Socdaalka Kenya ayaa xaqiijiyey in la joojiyey gebi ahaanba dal ku galka la siiyo qofka wata Baasaboorka Soomaaliga.
Warqaad oo tebisey Xogtaan Todobaadyo ka hor ayaa hadana ilaa iminka aysan jirin war kasoo baxay Dawladda Soomaaliya xilli cabasho badan ay Soomaali badan ka keeneen tallaabada ay qaaday Kenya.
Xukuumada Nairobi mar marsiyo toos ah iyo mid dadban intuba weli ma aysan sheegin waxay ku qoonsatay Baasaboorka (ordinary/Baasboorka Caadiga ah) ee shacabku qaataan in ay siiso Dal ku galkeeda (Visa Kenya).
Dawladda Soomaaliya dib u eegis ma kusameyn doontaa Heshiiskii Khaat-ka Kenya,uu xasan sheekh la saxiixday Uhuru Kenyatta Bilo ka hor inta aanu doorashada kusoo bixin Madaxweynaha Kenya William Ruto.