Guusha Sirdoonka Xuuthiyiinta ka gaareen dagaalka ay Sacuudiga iyo Imaaraatka kula jiraan

0

Madaxa hay’adda sirdoonka ee Xuutiyiinta ka dagaalamo Yaman Cabdullaahi al-Xaakim ayaa wuxuu sheegay in sirdoonkooda ay dhaafeen iney ka jabhadeeyaan xuduudaha ay la wadaagaan dowladaha xulafada taas badalkeedana haatan ay moolka horay u galeen isla markaasna ay Sirdoonkooda kasoo xog bixiyaan caasimadaha dowladahaas.

Cabdullaahi Al-Xaakim ayaa wuxuu yiri; “guulaha sirdoonku waxay dhaafeen jiida hore ee xudduudaha waxayna gaareen gudaha caasimadaha waddamada cadowga ah iyo qolalka howlgaladooda qarsoodiga ah laga soo abaabulo, nidaamkeena sirdoonka wuxuu awood u yeeshay inuu saadaaliyo oo ka adkaado howlgalada cadawga anagoona marwalba talaabo kahoreyno”.

Madaxa sirdoonka ayaa wuxuu intaas ku daray in Xuutiyiintu ay leeyihiin hadafyo badan oo muhiim ah kuna saabsan wadamada Sacuudiga, Imaaraadka iyo Israel.

Sargaalkaan ayaa sidoo kale Sacuudiga iyo Imaaraatka uga digay iney bartilmaameedsadaan goobaha Shidaalka iyo dhaqaalaha ay ku leeyihiin gobolka Ma’rib asigoona sheegay in gacantooda ay dheertahay oo uu ula jeedo in iyagana ay bartilmaameedsan doonaan ilaha dhaqaalaha dalalkaasi.

Dagaalka Yaman ka socdo ayaa wuxuu galay sanadkiisii 5aad oo xiriir ah ayadoona halkaasi ay isku haayaan Xuutiyiinta kasoo horjeedo dowlada taagta daran ee Yaman, taasoo garab ka heleyso xulafada Sacuudiga iyo Imaaraatka, halka Xuutiyiintana ay dhankooda garab ka helayaan Iran, wuxuuna dagaalkaan oon wax natiijo laga gaarin ilaa haatan sabab u noqday bur bur iyo barakac ku habsaday shacabka yaman, kuwaa soo in kabadan 80% haatan noloshooda ku tiirsantahay hey’adaha gargaarka.