Guusha MD Farmaajo gaaray & Kenyaan ku taageeray Arin uu dalka ka sameeyey

0

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guul weyn ka helay dhinacyada Mucaaradka iyo xitaa R/wasaare Rooble oo ay is hayeen bishii lasoo dhaafay.

Khilaafka labada mas’uul oo yimid tan iyo kiiska ikraan tahliil markii uu dibada usoo baxay ayaa waxa beesha caalamka ay dalbatay in la dhameeyo si aysan carqalad doorashada ugelin.

Isbuucii hore Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa dalka dib ugu soo laabtay muddo lagu xanibay garoonka jabuuti,islamarkaana waxaa lasoo tebinayaa in maalmo kale kadib uu xamar kusoo laabtay subax aroor ah.

Istaraatiijiyada siyaasadeed ee Fahad oo garwadeen uga dhigtay Madaxweyne Farmaajo guushiisa ayaa la rumeysan yahay in wax badan oo xir xirnaa ay hadda dib isku fureen.

Fahad Yaasiin ayaa hadda ah lataliyaha Amniga qaranka ee Madaxweynaha Dalka isagoo soo jeediyey in la joojiyo warqadaha la isku hayo islamarkaana uusan war dambe soo daabicin inta khilaafka rooble kala dhaxeeyo uu taagan yahay.

Dhinaca kale Khubarada siyaasada Kenya ayaa waxay sheegeen in Madaxweyne Farmaajo uu gaaray guul weyn markii uu soomaaliya ka dhigay dal awood badan oo aan lagu deg degi karin siyaasad ahaan iyo ciidan dhisida ay ku jiraan.

Herman Manyoora oo ah khabiir Kenyaan ah oo arimaha soomaaliya ka faalooda ayaa sheegay in dal ku galka Soomaaliya ay sare ukacday oo Muwaadiniinta Kenyaanka ay lacago badan ku iibsanayaan marka ay usafrayaan Soomaaliya.

Diblolmaasiyada xumaatay ee Labada dal ayuu falan qeyn kooban ka bixiyey isagoo bogaadiyey awooda Dawladnimada ee Madaxweyne Farmaajo uu gaarsiiyey Soomaaliya.

Iyadoo sidaas lagu amaanayo Madaxweyne Farmaajo ayaa hadana waxaa jira dhaleeceyn ay mucaaradka kala dul dhacayaan Madaxweynaha kuna eedeeyeen inuu diidan yahay hore socod lagu sameeyo doorashada.