Guudlaawe oo canaantay gudiga doorashada Hirshabelle & warqad loo diray lafta gareen

0

Madaxweynaha Maamul Gobolleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Gudlaawe ayaa maanta kulan la qaatay Gudiga Hirgalinta Doorashooyinka ee Hirshabeelle.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa Gudiga kala hadlay Dardargalinta howlaha shaqo ee loo igmaday iyadoo maalmaha soo socda tagi doona Caasimada Dowlada Hirshabeelle ee Jowhar.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Gudiga daadajinta howlaha doorashooyinka iyo inay si cadaaalad ah u maamulaan howlaha doorashada.

Gudoonka Baarlamaanka HirShabelle ayaa dhawaan magacaabi doona guddiga ka shaqeenaya doorashada Aqalka Sare.

Dhinaca kale waxa Maanta Guddiga maamulka doorashada heer dowlad goboleed Koonfur Galbeed ay warqad codsi ah u direen Madaxwaynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed soomaliya mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen inuu Soo gudbiyo liiska musharixiinta utartamaya Aqalka Sare ee Baarlamaanka FJS.

Tani ayaa qeyb ka ah dar dar gelinta Howlaha Doorashada Soomaaliya oo si rasmi ah maanta uga bilaabatay Magaalada Kismaayo ilaa afar senator oo ka mid noqonayo Baarlamaanka 11aad Ee Soomaaliya iyagu lagu doortay.