Gudoomiyihii Gedo Oo Xilka Laga Qaaday & Ciidan Uu La Goostay

0

Qoraal kasoo Baxay Wasiir kuxigeenka Arrimaha Gudaha Jubaland,C/raxmaan Xuseen Cawar balse Jubbaland Ka baxsaday Sanad ka hor ayaa waxa uu magacaabay Gudoomiyaha Cusub Ee Gobolka Gedo.

Xilkaan waxaa laga qaaday Cusmaan Nuur Xaaji (Cusmaan Macalimuu) oo aad siyaasad ahaan Gobolkaasi Gacan bir ah ku hayey Muddo Sanad ah.

Macalimuu ayaa waxa uu warbaahinta ka weerari jiray Dawlada Kenya iyo Maamulka Jubbaland Ee Axmed Madoobe hogaamiyo,balse isagii ayaa seefta qaaday.

Gudoomiyaha Cusub ayaa Gobolka Gedo waxa loo magacaabay Axmed Buulle Gareed,oo laga yaqaano Gobolkaasi.

Warar Galabta soo baxay ayaa sheegaya in Cusmaan Macalimuu uu Askar badan la baxsaday kuwaas oo Dooloow kusugnaa islamarkaana dhinaca Beled xaawo aadeen.

Lama oga in Wasiir Janan iyo Macalimuu oo markii hore dagaal sanaa ay is walaashan doonaan,kuna darso oo Cusmaan Macalimuu waxa uu ahaa shakhsi Farmaajo ku dhawaa oo Gobolka Gedo doonayey in Doorashada laga qabto.