Gudoomiye si kumeel gaar Ah Oo La Doortay Baarlamaanka Jubbaland

0

Kadib dhaarintii Xildhibaanada Baarlamaanka 2aad Ee Jubbaland ayaa waxa la sheegay in ay gudoon si kumeel gaar ah udoorteen.

Xildhibaanada ayaa doortay Sheekh Cabd Yuusuf Cali kaas oo ah Shakhsiga ugu da’da weyn Ee Xildhibaanada xalay lagu dhawaaqay.

Waxa looga fadhiyaa 73 Xildhibaan Ee Xalay lasoo bandhigay Baarlamaanka Cusub Inay Gudoon soo doortaan dhawaan.

Dadka qaar ayaa ku wareersan cida ay ka sugi doonaan Aayaha Jubbaland,waayo Labo Liis Xildhibaano ah lasoo kala bandhigay.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa udhaw inuu mar kale helo Kursiga Doorashada uu doonayo.