Gudoomiye Sacdiya Samatar oo diiday la kulanka Ergo ka socotay Villa Somalia

0

Golaha Wasiirada ee shalay la magacaabay ayaa durba la Kulmaya Saluug Baarlamanka dhexdiisa ah waxaana dadka ka Xanaaqay ugu horeysa Gudoomiye ku Xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar.

Gudoomiye Sacdiyo Yaasiin ayaa diiday sida xogaha ku ogaanay in ay la kulanto Wasiiru Dowlaha magacaaban ee Madaxtooyada Abshir Bukhaari iyo Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Reysul Wasaaraha Maxamad Abukar Subeyr kuwaasi oo doonayay in ay qanciyaan Marwo Sacdiyo.

Sidoo kale waxaa jira Guux Baarlamanka dhexdiisa ah inkastoo ilaa iyo hadda aysan muuqan Kutlooyin Xoog leh waxaase jira dareen arintaan ku saabsan oo ay qabaan qaar kamid Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Wasiir kuxigeenkii wasaarada qorsheynta shalay la magacaabay Maxamed Cabduqaadir Cali Xaashi ayaa waxa uu ku dhawaaqay saacad kadib inuu is casilay kadib markii gudoomiye Sacdiya uu xog heynteeda ka mid ahaa ku amartay inuu is casilo.

Sacdiyo Samatar ayaa cod dheer ku sheegtay inaysan aqbali karin wax aan aheyn Wasiir in beeshooda laga siiyey Golaha Xukuumada cusub ee soomaaliya,iyadoo sheegtay inaysan wax wadatashi ah lala sameyn.