Gudoomiye Mursal & Wafdigii Jabuuti Ee Baydhabo Tegay Oo Weji gabax La Kulmay

0

Wafdi uu hogaaminyey Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa shalay sida aad la socoteen waxay gaareen Baydhabo.

Wafdigaasi waxaa ka qeyb ahaa,Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka Jabuuti Maxamed Cali Xamud iyagoo qorshahoodii ay Baydhabo utegeen uu fashilmay.

Gudoomiye Mursal iyo Wafdiga la socday ayaa waxay ku guuldeysteen inay xal gaaraan buuq ka dhashay Xildhibaanada Koonfur Galbeed oo la kala diri rabay balse ay diideen.

Waxay Xildhibaanada ku doodayeen inay Labo bil ama lixdan cisho  harsan tahay muddo xiloodkooda ayna suurta gal aheyn in kalfadhiga uu furmo.

Sidaa awgeed maanta waxa baaqday oo aan furmi Kalfadhigii golaha Wakiilada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Tan io shalay duhurnimadii markii wafdigaan ay gaareen Baydhabo waxay wadeen xasarada siyaasadeed ee ka dhalatay Xildhibaanada in la kala diro la diiday.

Berri ayaa waxaa la filayaa in Muqdisho uu ka furmo Kalfadhiga 6aad Ee golaha shacabka Soomaaliya,iyadoo laga cabsi qabo in uu baaqdo furiaankaasi.