Home WARARKA Gudoomiye Mursal Oo Deg Deg U Amray In La Baaro Qaraxii Suuqa...

Gudoomiye Mursal Oo Deg Deg U Amray In La Baaro Qaraxii Suuqa Xoolaha Ee Shacabka Lagu Laayey

0
SHARE

Afhayeenka Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa waxa uu ka hadlay weerarkii ka dhacay Deegaanka Goof guduud Ee Gobolka Bay.

Weerarkaasi oo ahaa mid dhacya Isbuucii hore laguna laayey Dad Shicib ah oo aan waxba galabsan deegaankaasi Suuqa Xoolaha lagu iibiyo Ee Halkaasi.

Gudoomiye Mursal waxa uu sheegay in ay tacsi udirayaan dadkii Ehelkooda ku dhinteen weerarkaasi kuwa dhaawaca ahna u rajeeyey bogsiin deg deg Ah.

Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan waxa uu sheegay in Laamaha Amniga ay deg deg ubaaraan weerarkaasi iyo sida loo fududeeyey.

Miinada dhulka le geliyo ayaa Shacab badan lagu dilay kuwaas oo 8 dhimashada ka badnaa,waxaana ku dhaawacmay 30 in kabadan.

Al Shabaab oo qaraxaasi sheegtay waxay sheegeen inay qaraxaas ku dileen ciidan katirsanaa ciidanka Canshuurta Ee Lacagaha Suuqaas ka qaadayey.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE