Gudoomiye Aadan Madoobe oo Muqdisho ku soo laabtay kadib…

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar qaatay dhowr maalmood uu ugu maqnaa magalada Nairobi ee dalka Kenya.

 

Guddoomiyaha ayaa inta uu ku sugnaa Kenya kulamo gooni gooni ah la qaatay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Safaarada iyo Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqanka dalkaas.

 

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo uga mahadnaqay dhammaan intii soo dhoweysay waxaana uu sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu Muqdisho dib ugu soo laabto.

Gudoomiyaha oo warbaahinta kula hadlay Nairobi ayaa beeniyay warar laga faafiyay oo sheegayay inuu xanuunsanhyahay.

Dhanka kale waxaa dib u dhac uu ku yimid kala fadhi Golaha Shacabka lagu hor geyn labaa Ra’iisul Wasaaraha cusub.