Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Sheikh Adan Mohamed Nur-Madobe oo maanta booqday Safaarada JFS ee dalkeenna ay ku leedahay dalka Kenya.
Guddoomiyaha ayaa Safaarada waxaa ku soo dhoweeyey Safiirka dalkenna u jooga Kenya Amb. Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, ku-xigeenka Safiirka iyo howl-wadeennada Safaarada, waxaana uu bogaadiyey shaqada adag ee Shacabka Soomaaliyeed ku nool Kenya ay hayaan waxaana uu ku dhiira-geliyey in aan marnaba laga caajisin u adeegida muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Danjire Tarsan oo ka mahadceliyey booqashada Guddoomiya ayaa sheegay in dhiira-gelin farxad ay u tahay imaanshaha Guddoomiye Aadan Madoobe.
Waxa dhoolatuskaan uu gudoomiye Aadan Madoobe kusameeyey Nairobi loo arkayey mid uu kaga jawaab celinayey xogo soo baxay oo sheegayey inuu xaalad caafimaad daro soo wajahday,balse inuu tegay cusbitaal oo baaritaan guud lagu sameeyey waa la xaqiijiyey gudoomiyaha.