Gudoomiyaha Degmada Cadale & Nabadoon caan ahaa oo la Toogtay

0

Sida ay sheegeen dad lagu kalsoon yahay koox hubeysan ayaa deegaanka cadoow Uul waxay ku dileen Nabadoonkii beesha cabdalla caroone ee Abgaal Marxuum Mukhtaar Axmed Xasan.

Maalmihii lasoo dhaafay deegaankaasi waxaa ka jiray dagaal beeleed,waxaana marxuumka la dilay la sheegay in waan waanta colaadaasi uu ujoogay halkaasi.

Xiisad ka dhalatay dilka Nabadoonka ayaa laga dareemayaa deegaanka,iyadoo beesha uu ka dhashay ay dhaq dhaqaaqyo wadaan xilli xaaladu weli cakiran tahay.

Dhanka kale Gudoomiyaha Degmada Cadale Korneel Muuse Maxamed Kali ayaa la sheegay in dhaawac loo geystay inkastoo xaaladiisa ay yara fiican tahay sida ay sheegeen dad la jooga dhaawaciisa.

Colaada deegaanka cadoow uul ayaa weli xal rasmi ah laga gaarin,iyadoo dhawaan duubabka dhaqanka ay sheegeen in waan waanta lagu guuleystay oo heshiis la gaaray balse hadda dib ayey xiisad ka abuurantay kadib dilka Nabadoon Mukhtaar Axmed galabta loo geystay.