Guddoonka Aqalka hoose oo ku kala qeybsamay la shaqeynta Villa Somalia

0

 

Sida ay tibaaxayaan wararka la helayo, guddoonka gollaha shacabka baarlamaanka ayaa ku kala qeybsamay la shaqeynta Villa Somalia.

Xubno ka tirsan gollaha ayaa u xaqiijiyay Warqaad in guddoomiye Mursal iyo labadiisa ku xigeen ee kala ah Muudeey iyo Cawad ay ku kala qeybsameen la shaqeynta madaxweyne Farmaajo.

Farmaajo oo wajahaya mowjado siyaasadeed oo xoog leh ayaa wada shaqeyn ka dalbaday guddoonka gollaha shacabka, iyadoo codsigaasi uu ka soo jawaabay guddoomiye ku xigeenka koowaad Cabdiwali Ibraahim Muudeey.

Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa tashi ku maqan, halka Mahad Cabdalla Cawad uu keenay shuruudo laba ah.

Cawad ayaa Villa Somalia ka dalbaday dhaqaale iyo sidoo kale in lala difaaco kursigiisa oo uu ku fadhiyo 20 sano, kaasoo iminka yaalla magaalada Dhuusamareeb.