Guddoomiye Yariisow oo u digay Odayaasha daba carara dadka falal dambiyeedyada lagu soo qabto

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa uga digay Odayaasha Beelaha hormuudka u ah iney ka daba yimaadaana ama soo fara geliyaan Kiisaska dadka lagu soo eedeeyo falalka ammaandari ee ka dhaca magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Yariisow ayaa sheegay ineysan suurta gal ahayn ayna aqbali doonin in la soo farageliyo Maxkamadaha iyo Garsoorka,isagoona hadalkiisa intaasi ku daray in lagu soo wargeliyo cidii ama Odaygii soo daba kaca ruux fal dambiyeed ku eedeysan.

Wuxuu sheegay Duqa Muqdisho in Odaygii soo daba kacda uu xirmi doono.

“Maxkamadaha iyo Garsoorka inaan la soo faragelin Karin cid Alla iyo cidii soo faragelisana aniga haleysoo sheego,Odaygii ka daba yimaadana waxaan u sheegeynaa isagana inuu xiran yahay,kama daba imaan karo Qof burcad marka hore ayaa la rabaa inaan ilmihiina ceshataan una digtaan una sheegtaan,nidaam Dowladnimo waxaan ahayn nama deeqaan,”ayuu yiri Guddoomiye Yariisow.

Hadalkaan ayuu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ka sheegay goob lagu soo bandhigayay kooxo burcad ah oo ay soo qabteen Ciidamada ammaanka xilli ay howl dhac ah ku guda jireen.