Guddigii caawa Farmaajo Magacaabay oo buuq abuuray & Xaalka Xamar ka jira

0

Dhaq dhaqaaqyo xoogan ayaa ka socda caawa muqdisho kadib markii uu soo baxay guddiga uu madaxweyne Farmaajo umagacaabay baaritaan dhab ah ay ku sameeyaan Kiiska Ikraan Tahliil.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamo lagu arkay isgoysyada qaar Muqdisho lamana oga sababta ciidanka loo soo dhoobay halkaasi.

Dhinaca kale Mucaaradka ayaa ka hor yimid guddiga uu magacaabay madaxweyne farmaajo iyagoo ku eedeeyey inuu ku qarinayo kiiska ikraan in ay cadaalad hesho.

C/raxmaan C/Shakuur Warsame oo ah gudoomiyaha xisbiga wadajir ayaa si qoto dheer ufaah faahiyey waxa uu daaran yahay guddigaan Farmaajo caawa magacaabay.

Sidoo C/kiriin Xuseen Guuleed oo ah murashax madaxweyne islamarkaana lagu xaglinayey inuu taageersan yahay waayihii dambe falsafada madaxweyne farmaajo ayaa caawa si kulul uga hadlay guddiga farmaajo magacaabay isagoo muujiyey inuu kasoo horjeedo.

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa waxa uu isna ku biiriyey sida uu uga soo horjeedo guddiga madaxweyne farmaajo caawa usaaray kiiska ikraan tahliil faarax.