Guddiga Doorashooyinka Puntland oo sabab La Yaab leh isku casilay & Deni oo Go’aan qaatay

0

Guddiga doorashooyinka KMG ah ee Puntland ayaa ku dhawaaqay iney is casileen ka dib shir jiraa’id oo ay warbaahinta ugu qabteen magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland.

Guddiga doorashooyinka Puntland ee is casilay ayaa u sababeeyay is-casilaadooda duruufo gaar ah oo la soo darsay,isla markaana qaarkood ay horay u qaateen go’aanka is casilaada ah.

Xubnaha Guddiga guddiga doorashooyinka ku meel gaarka ah ee Puntland ee Maanats dia rasmiga ah ugu dhawaaqay is casilaada ayaa maalma ka hor waxaa ay shir la yeesheen Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, iyaga oo u gudbiyay cabashada ay qabaan ee keeneysa inay is casilaan.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la filayaa in uu soo Magacaabo 5 -ta xubnood ee u horreysa guddiga cusub, halka 4-ta kale ay soo magacaabi doonaan golaha wakiilada Maamulkaasi Puntland.,waxaana dhamaantooda Guddiga ay noqonayaan 9 Xubnood.

   Halkaan Hoose ka Akhriso Warqada iscasilaada Guddiga:-