Gud. Madaale oo xog culus ka bixiyey kooxdii weerarka shalay soo qaaday

0

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo dalka dibadiisa ku maqnaa maalmihii lasoo dhaafay ayaa dalka dib ugu soo laabtay maanta Muqdisho.

Madaale ayaa safar shaqo ujiray dalka Boqortooyada Kuwait,waxaana markii uu maanta xamar kusoo laabtay uu tegay xarunta gobolka banaadir oo shalay al shabaab weerar ku qaadeen.

Gudoomiye Madaale ayaa sheegay in Al Shabaab ay dhalinyarada weerarada inta aysan usoo dirin ka hor soo siiyaan kaniini daroogo ah iyagoo maskaxdooda fadhina soo dira.

Waxa uu tacsi udiray dadkii shalay ku dhintay weerarka iyadoo khasaaraha uu koobnaa islamarkaana dhaawaca alle uga baryey in deg deg ucaafimaad helaan.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA