Goorma ayaa la hor geynayaa Golaha Wasiirada, Baarlamaanka Golaha Shacabka

0

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa shaaciyay maalinta berri oo Axad ah inuu jiro Kulanka Golaha Shacabka ee ah cod u qaadista kalsooni siinta Golaha Wasiirada magacaaban iyo Barnaamijka Xukuumadda.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa hortagi doona Golaha Shacabka si uu u weydiisto codka kalsoonida iyo barnaamijka Xukuumaddiisa ayuu ka hor akhrin doonaa.

Si kastaba, Waxaa saacadihii u dambeeyey sii xoogeystay kulamada golaha magacaaban ee wasiirrada Soomaaliya ay la yeelanayaan xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka, si ay u weydiistaan codkooda kalsoonida.

Wasiirrada ayaa beel – beel ula kulmaya xildhibaanada, si wasiir kasta uu xubnaha beeshiisa ku metela baarlamaanka uu ugu qanciyo inay ansixiyaan xukuumadda cusub ee Ra’iisul Wasaare Xamza Barre.

Mogadishu-Somalia