Go’aankii Axmed Madoobe Hore Uga Qaatay Dawlada Dhexe Oo Badelay

0

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa waxa uu hore Kulan uu shir gudoomiyey Golaha Wasiirada Jubbaland Bishii hore wada shaqeyntii isku socodka Dawlada Dhexe iyo Jubbaland uu hakad geliyey.

Go’aankaasi waxa uu ahaa mid seddex Todobaad dhaqan galay oo ma jirin Wafdi ka socday Dawlada Soomaaliya oo tegay Kismaayo iyadoo la xeerinayo Go’aankaasi.

Sidaas si la mid ah Mas’uuliyiinta Dawlad Gobolleedka Jubbaland ayaa Muqdisho tegin ilaa Xilligaasi go’aanka uu soo baxay.

Maanta ayaa isbadel ka dhacay Go’aanka markii Xildhibaano katirsan Labada Aqal Ee Baarlamaanka Soomaaliya gaareen Halkaasi.

Inta badan Xildhibaanada Kismaayo tegay maanta waa kuwo Mucaarad ku Ah Falsafada Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Kheyre,waxaana laga xusi karaa Xildhibaan C/llaahi Macalin Nuur.