Go’aanka Beesha Sacad Ee Safarka Ra’iisal wasaare Kheyre & Warkii Ay Soo Saareen

0

Shir weynaha Beesha Sacad soo geba gabeeyeen ayey ka micno aheyd in awood beel iyo mid siyaasadeed ay soo bandhigeen xilli weli Ra’iisal Wasaare Kheyre kusugan yahay Deegaanada Galmudug.

Waxay Waxgaradka beesha Sacad ay shaaca ka dhigeen inay mar kasta ka dhigan tahay danta dadka iyo Deegaanka.

War murtiyeedka ay soo saareen Beesha ayey kusoo koobeen Nuxurkooda Shirkii mudada ay lahaayeen.

(1). Beesha Sacad waxay taageeraysaa si buuxdana uga qayb galaysaa Shirka Nabadda Hobyo ee Beelaha Habargidir.

(2). Shirweynahu wuxuu isku waafaqay in Shirka Nabadaynta iyo Dib-u heshiisiinta beelaha Galmudug gogoshiisu ay noqoto magaalada Gaalkacyo maadaama madaxweynaha JFS uu ka dhagax dhigay Galkacyo Xarunta Nabadda & Dib-u-heshisiinta Galmudug bishii Janaayo 2018.

(3). Shirweynahu wuxuu garowsaday in doorashada hey’adaha dastuuriga ee Dawlad Goboleedka Galmudug loo madaxbanneeyo beelaha Galmudug iyo waxgaradkooda, ayadoo guddiyada maamulaya doorashooyinkaasna ay beeluhu si madax banaan u soo xushaam xubnaha uga qaybgalaya, sidoo kalena doorashadu ay ka dhacdo goob ay u siman yihiin dadka reer Galmudug isla markaana heshiis lagu wada yahay.