Go’aan uu qaatay Cumar Filish Ee Idaacada Codka Gobolka Banaadir

0
Waxaa Maamulka Gobolka Banaadir uu ballariyey shaqaalaha iyo habkii ay ku howl geli jirtay Idaacada Afka maamulkaasi ku hadleysay.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magalada Muqdisho Md. Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar-Filish) ayaa lagu beddeley Magacii Idaacadda Codka Gobolka Banaadir waxaana loo Bixiyey Idaacadda Codka Caasimadda.
Hore Codka Caasimada waxaa loo aqoon jiray Capital Voice oo ay Horn Afriik Laheyd ka hor inta aan 2010-kii Al Shabaab qaadan qalabkeedii.
Sanadkii 2014-kii ayaa Duqii Muqdisho Xilligaasi Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) uu hirgeliyey Idaacad ku hadasha Codka Maamulka Gobolka Banaadir.
Image may contain: text