General Tareedishe oo beeniyey Arin Ilaa xalay la hadal hayey inuu isaga sameeyey

0

Taliska Qeybta 27-aad ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa beeniyay isla markaana waxba kama jiraan ku tilmaamay warqad been abuur ah oo saacadihii lasoo dhaafay baraha bulshada lagu faafiyay oo lasheegay in xafiiska taliyaha qeybta 27-aad aay kasoo baxday.

Taliyaha qeybta 27-aad ee CXD Generaal Axmed Maxamed Calasoow (Tareedishe) ayaa waxuu beeniyay warqadan oo lasheegay taliyaha qeybta 27-aad in uu ku dalbaaday in Gashaanle Dhexe Axmed Naxar Calasoow Muuse oo kamid ah saraakiisha guutada 5-aad qeybta 27-aad ee CXD ee Gobolka Hiiraan ka howl-gasha dhammaan xuquuqdii Ciidan ee uu lahaa laga joojiyay.

Waa Been Abuur sal iyo raad toona laheyn Wararka lagu baahiyay Baraha Bulshada ee la xiriira in uu Gaashaanle dhexe Axmed Naxar Calasow Muuse laga joojiyay dhamaan xuquuqdii Ciidan ee uu lahaa

Taliye Treedisho oo aan la xiriirnay ayaa sheegay in uu layaabay markuu arkay qoraalada been abuurka ah ee Baraha bulshada la isku dhaafsanayay, islamarkaana ula jeedku yahay in lagu dhaawaco sumacada iyo karaamada saraakiisha Ciidamada Qalabka.sida Gaar ahaan Taliska.Qeybta 27-aad

Taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri

Bahda Saxaafadda Soomaaliyeed oo aan ku ammanayo shaqada wanaagsan ee ay bulshada u hayaan waxaan ku boorinayaa in ay ka fogaadaan wararka aan xaqiiqda ku saleysneyn, si looga fogaado in ay lunto kalsoonida ay umaddu ku qabaan.