General katirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo wacad ku maray inuu la wareegi doono Garoonka iyo Dekadda Muqdisho

0

General Maxamed Maxamud Koronto oo kamid ah saraakiisha Ciidanka xoogga Somaliyed ayaa sheegay in uu la wareegi doono Dekedda iyo Airporka magaalada Muqdisho hadii muddo korarsiga laga noqon waayo.

“Waan la wareegayaa Airporka iyo Dekadda. Aniga iyo ciidankeeyga Waan ka difaaceynaa Muqdisho dulmiga Farmaajo”. Gen Koronto.

Waxa uu sheegay in Taliyaha Booliska Gobalka Banaadir loo dhiibay ee Farxaan Qaroole inuu Al shabaab ka soo goostay oo la isku aamini karin iyo sidoo kale in Fahad Yaasiin uu yahay Shabaab la wareegay taliska Nabad Sugidda Soomaaliya.

Waxa uu tilmaamay in magaalada Muqdisho uu u ilaalin doono ilaha dhaqaale islamarkana ay ciidankiisa la wareegi doonaan isagoo xusay in waxa ugu daran ee dalka ka burburo iney tahay magaalada ama caasimadda.

Janaralka ayaa wata 40 gaadiid oo kuwa dagaalka ah. Wuxuuna hogaamiyaa ciidamo farabadan oo ka tirsan xooggga Somaliya.

Waxaa socda sidoo kale abaabul ciidan oo dhinacyada mucaaradka iyo DF ay sameynayaan waxaana muuqata markaan in cudud ciidan iyo hub la isu aruursanayo.

Lama oga waxa dhici doona hadii xaaladda siyaasadeed ee dalka sidan sii ahaato 24 saac ee soo socota iyadoo Midowga Yurub uu sheegay inuu talaab cad ka qaadi doono Dowladda Federalka gaar ahaan Farmaajo hadii uusan ka laaban muddo kororsiga.

Madasha Badbaado Qaran oo maamul Goboleedyo, midowga Musharaxiinta iyo Aqalka Sare ku mideysan yihiin ayaa dhankooda sheegay iney qaadi doonaan tallab adag oo ka dhan ah muddo kordhinta Farmaajo.

Muqdisho-Somalia.