General Biixi Oo war cusub kasoo saaray maanta duulaanka dhuuso mareeb lagu…

0

GeneralĀ  Maxamed Tahliil Biixi, taliyaha Ciidanka dhulka oo la hadlay warbaahinta Dawlada ayaa sheegay in dagaaladii Ciidamada xoogga dalka maalmahaan ay ka wadeen qeybo ka mid ah gobalka Galgaduud ay guulo ka gaareen.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka ay Al-Shabaab, ku jabiyeen dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay degaanka Labi dulle ee gobalka Galgaduud.

Dagaal culus oo maanta arbaco ah dhacay ayuu sheegay General Biixi in lagu jebiyey Al Shabaab deegaano dhowr ahna looga saaray.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed qeybta 21-aad ayaa la wareegay farriisimo horleh oo Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaano dhanka Koofur kaga beegan Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Shalay madaxweynaha Galmudug oo furimaha dagaalka tegay waxa uu ballan qaaday in ciidamada laga taageeri doono wax walbo ay ubaahan yihiin inay helaan si xoreynta deegaanada Shabaab uga qeyb qaataan.