Garasbaaley u garo Degmo Madax bannaan (Qormo)

0

Xaqiiqdu waxa weeye in hiil iyo hooba lala garab istaago deegaan baaxad wayn oo hooy ama “shelter” u noqday dad badan oo Somali ah oo ka soo hijrooday deegaan-koodii sababo la xiriira abaaro, iyo colaado sokeeye.

Garasbaaley markeedii hore waxey eheed deegaan cawska, caanaha iyo qoryaha looga keeno Magaaladda Muqdisho, boqolaalsano ka hor waxaa lagu xusuutaa Shiikh Ibraahin Cali Gacal, in uu diinta islaamka ku bari jiray bulshada ku nool koonfurta Magaaladda Muqdisho, waa tan keentay in maantadan aynu joogno goob kamid ah deegaanka loogu magacdaray tabeelaha Shiikh Ibraahim.

Garasbaley waxay ku taal gobalka Banadir ee Soomaaliya, caasimadiisu tahay Magaalada Muqdisho. Garasbaaley waxa ay daris latahay Degmooyin dhawr ah, Waxaa dhinaca Waqooyi ka xiga Degmada Hodan, dhinaca Koonfureedna Degmada Kaxda, dhinaca Barina Dharkenley, dhinaca Galbeedna Degmada Afgoye.

Garasbaaley ayaa leh soohdimo ay la wadaagto Degmooyinka dariska la ah ee G/banaadir iyo Gobolka Shabeelada Hoose.

Garasbaaley waa deegaan fac-weyn oo jiray mudo ka badan illaa iyo 200; oo sano, taariikh ahaan allaha u naxariistee waxaa Garasbaaley geedka loo yaqaano “Garaska” ku beeray nin dhalinyara ah oo magaciisa la oran jiray “Baaley” sidaas ayey kula baxday magaca Garasbaaley oo ka kooban magaca halyeygaas iyo geedka Garaska oo leysku biiriyay.

Shicibka Garasbaaley waxaa ay caan ku yihiin biseyl-dawladnimo jeceyl ku dheehantahay, midnimadda umadda Soomaaliyeed, soo celinta qab-weynidii ay  Soomaali lahaan jirtay, laakiin ma aysan helin jawaabtii ay ka mudnaayeen Dalwdooda suuban.

Hore ayuu Gobolka Banadir ugu a qoonsaday Garasbaley inay tahay unug madax banaan oo leh maamul u gaar ah, sidaa aawadeed ay u qalanto in loo aqoonsado Degmo sida ugu dhakhsiyaha badan ee ugu haboon.

Muwaadiniin fara badan ayaa dhiigooda u huray ugu dambeynna u geeriyooday riyadoodii eheyd in ay mar uun arkaan Garasbaaley oo noqtay Degmo madax-bannaan, halkaas oo saldhigeeda boliiska lagu xiro qofkii sharciga ku xad-gudba, Xarun Degmo oo loogu adeego muwaadiniinta ku nool deegaanka sabarka u saaxiibka ah ee Garasbaaley.

allaha u naxariistee Nabadoon Geedi Maxamuud Fridhiye waxa uu kamid yahay dadkii naftooda u huray iminkana godka ugu jira halganka aan weli gaba-gaboobin ee Degmanimadda Garasbaaley, Xaaji Geedi Firdhiye waxa uu geeriyooday 04/08/2017; sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah caruurtiisa waxaa dilay gacan ka xaq-daran oo inta uusan dhiman ugu goodin jirtay hadii uu arimaha garasbaaley ka bixin in uu u geeriyoon doono.

Intii uu noolaa waxa uu deegaanka ugu deeqay dhulka haatan looga adeego deegaanka, loogana arrimiyo halkaas oo ay ku shaqeeyaan Maamulka deegaanka oo ka kooban Guddoomiye, ku-xiggeeno iyo afar waaxood, waxaa kaloo lagu xusuutaa in uu bixiyay dhul loogu talagay masaajid iyo xarun caafimaad.

Halganka degmadda loogu doonayay Garasbaaley waxa uu bilaabay Nabadoonka sandii 2013.

Hadalada taariikhiga ahaa ee Nabadoon Geedi Firdhiye waxaa kamid ahaa 67; sano ayaan jiraa illaa iyo maalintaan dhashay Garasbaaley waa jirtay, aabaheyna wuu ku dhashay iyo sidoo kale Garasbaaley Degmooyinka Xamar oo dhan wey ka fac-weyntahay.

“Hadal badan haan ma buuxsho” ayay Somalidu ku maah-maahdaa, balse caddaymahan hoos ku qoran baa Garasbaley ka dhigi kara degmo madax bannaan. Waa kuwan cadaymuhu:

  1. Deegaanka Garasbaaley waxa uu leeyahay xarun u diyaarsan M/mulka Degmada oo hada lagu shaqeeyo iyo saldhig Boliis oo ay haatan ku shaqeeyaan ciidanka hey’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA.
  2. Garasbaaley waxa ay leedahay 5 Jaamacadood oo waaweyn, 7 Machad oo caalami ah iyo 26 iskuul oo isugu jira Dhexe iyo sare, kuwaas oo bulsho weynta ku nool deegaan ka ka haqabtira baahidda waxbarasho iyadoo ay jiraan dadyow kale oo uga yimaada daafaha qeybaha kale ee G/banaadir.
  3. Deegaanku waxa uu leeyahay 67 ceelal biyood oo dhammaantood ah kuwa riiga loo yaqaan.
  4. Deegaanka waxa uu kaga duwanyahay Muqdihso inteeda kale warshado casri ah, waxaa ku yaalla 8 warshadood oo soo kala saara Galeyda, biyaha moosaxadda, cabitaanadda , caanaha iyo digaaga.
  5. Deegaanku waxa uu leeyahay 11 suuq oo waaweyn oo qaarna xoolaha lagu iibiyo iyo suuqyada badeecooyinka kala duwan.
  6. Deegaanka waxa uu leeyahay 6 isbitaal iyo 6 xarumood oo hooyadda iyo dhallaanka ah kuwaas oo bixiya adeegyadda caafimaadka ay dadka deegaanka u baahdaan.
  7. Dadka ku nool waxaa lagu qiyaasaa 70,229.00; oo isugu jira dadka deegaanka iyo barakacayaal ay Maamulka iyo bulshada Garasbaaley marti galiyeen gacmo furanna kusoo dhaweeyeen.
  8. Deegaanka waxa uu ku fadhiyaa dhul baaxad weyn oo lagu qiyaaso 14km, waxaana uu ka koobanyahay afar waaxoodoo waaweyn oo kala ah:-
  9. fooriloow b) Macaani c) shiikh Ibraahim d) Firdhiye, Degmooyinka G/banaadir qaar kamid ah ayuu deegaankani ku laba jibaarnaa xaga baaxadda iyo bedkaba.
  10. Deegaanku wuxu martigaliyay dad badan oo barakacayaal ah duruufo aawadood sida dagaaladda iyo abaaraha.

Bulshada ku dhaqan Deegaanka Garasbaaley, waxa ay kamid-yihiin canshuur bixiya yaasha Magaaladda Muqdisho, waxa ayna qeyb-lixaad leh ka qaateen dhismaha, bilic soo celinta, nadaafadda iyo baahidda iyo maalgashiga Magaaladda taariikhiga ah ee Muqdisho ahna caasimadda Dalka Soomaaliya.

Shruucda Dalka hooyo u taalla waxa ay dhigayaan in Deegaanka uu kama dambeyn noqon karo degmo madax-bannnaan mar hadii baaxad ahaan, shicib ahaan u dhameystiranyihiin walxihii gaarsiin lahaa noqoshadda Degmada 18aad ee Gobolka Banaadir, bulshadda reer Garasbaaley waxa ay Maamulka G/banaadir iyo madaxda sareba ka tabanayaan in aanay la tix-galinin codsigoodii ahaa in loo saaro Guddi xaqiiqo raadin ah, Guddigaas oo u kuur-galaya dhab ahaanshaha qodobadda ay shicibka Garasbaaley ku doodayaan in ay ka dhigi-karaan Degmo madax-bannaan.

Waxaa Dawladda xaq loogu leeyahay bixinta adeeg dhameytiran oo ay kamid yihiin biyo nadiif ah, koronto habeen iyo maalin ah, dhismaha wadddooyinka, sugidda amniga mawaadinka iyo dhageysiga afkaaraha shicibka iyo soo jeedimahooda maadaama Dalku yahay mid uu muwaadin waliba xur u yahay dhageysiga afkaarihiisa iyo soo bandhigiddda ra’yiga sliimka ah ee dhisi kara Qaranamidda  Dalkeena hooyo.

8 february 2017, ayey eheed xilligii la doortay madaxweyanaha loo han-weynaa Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo, ay muwaadiniinta Soomaaliyeed caleemo qoyan iyo sacab si qalbi ah ugu dabaal-degeen guushiisii taariikhiga eheyd, waxa uu madaxweynaha la doortay ballan ku qaaday in uu noqon doono nabadoon u dhexeeya guud ahaan shicib-weynaha Soomaliyeed meel waliba ay joogaan, waxa uu ka dhawaajiyay Madaxweyne Farmaajo in Dawladdiisau tahay dawladda shicbka, ha haatee Garasbaaley bulshadeeda baaxadda weyn waxey ka mid yihiin muwaadiniinta ka war-dhawraya xilliga ay xukuumadda iyo madaxweynahaba tix-galin doonaan baaqoodda ku saleysan noqoshada Degmo madax-bannaan iyo in la xaqiijiyo buuxinta shuruudihii noqodshadda Degmada 18aad ee G/banaadir.

GUNAANAD

Qodobadaaas oo dhan ayaa loo tiigsan karaa in Garasbaaley loo aqoonsado Degmo cusub oo Gobolka Banaadir katirsan.

Madaxda Qaranka iyo sidoo kale Maamulka G/banaadir waxaan kula talineynaa in Garasbaaley loo aqoonsado mid kamid ah Degmooyinka G/banaadir iyada oo la raacaayo halbeegyada lagu cabiro marka Deegaan laga dhigaayo Degmo dhameystiran oo madax bannaan, waxey leedahay tasiilaadkii looga baahnaa Degmo iyo in kale oo kasii dheeri ah, sida uu qabo Xeerka Maamullada iyo Degmooyinka Dalka waayo Garasbaaley waxa ay ka baaxad weyntahay, kana tasiilaad iyo adeegyo fiicantahay Degmooyin badan oo kamid ah G/banaadir.

Maqaalkani waxa uu sidoo kale fariin u yahay xildhibaanadda Qaranka iyagoon u kala harin in ay u istaagaan Garasbaaley aqoonsigeeda Degmo-nimo iyaga oo isticmaalaya Shuruucda iyo xeerarka Dalka u yaalla.

 Mr. Mohamed Hassan Mohamed

Youth activist and public servant 

Email: Maxamedxasan2008@gmail.com

Tell: 0615525152.