Garabka Mahdi Guuleed Oo War cusub goordhaw soo saaray (AKHRISO)

0

Kulan ay ku yeesheen Muqdisho maanta xildhibaanada kasoo jeeda Gobollada Wuqooyi ee Labada Aqal ku jira ayaa waxay kaga hadleen Xaalada doorasho iyo sida ay u arkaan dalka uu galay.

Garabka Xildhibaanada maanta kulmay ayaa ah kuwa taageersan Mahdi Guuleed Khadar R/wasaare Kuxigeenka Soomaaliya.

Shalay shir jaraa’id inuu qabto ayaa wariyeyaasha loogu yeeray Hoteelka Royal Palaca Mahdi Guuleed balse arimo farsamo awgeed wariyeyaasha dib ayaa loo soo celiyey.

Xildhibaanada shiray ee kasoo jeeda gobollada wuqooyi ayaa soo dhaweyey doorashada uu garwadeenka ka yahay R/wasaare Rooble iyagoo sheegay in ay kasoo horjeedaan 7 xildhibaan oo carqalad ku ah Masiirka gobollada wuqooyi.