Home WARARKA Ganacsade Caan Ka Ahaa Galmudug Oo Lagu Dilay Gaalkacyo iyo Ninkii Dilay...

Ganacsade Caan Ka Ahaa Galmudug Oo Lagu Dilay Gaalkacyo iyo Ninkii Dilay Oo Walaalkiis Ay…

0
SHARE

Waxaa maanta shaqaaqo ka dhacday Degmada Gaalkacyo ku geeriyooday Ganacsade caan ka ahaa magaaladaasi.

Marxuum Bashiir Goosato ayaa la sheegay in uu ku waayey Naftiisa kala celinta nin ay Walaalo Ahaayeen iyo nin kale uu dagaal dhexmarayey.

Rasaas uu furay ninka ay walaalkiis Bashiir Dirirayeen ayaa ku dhacday bashiir sidaana uu ku quur baxay.

Ciidamada Galmudug ayaa hadda waxay wadaan baaritaan ku aadan soo qabashada Gacan ku dhiiglaha,meydka Marxuumka ayaa markii dambe goobta laga qaaday.

Isku dhacyada Ragga Hubka wata dhexmara ayaan ku cusbeyn Magaalada Gaalkacyo,dhowr jeer ayaana sidaan oo kale dad ku le’deen Is rasaaseyn la isweydaarsaday.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE