Galmudug oo taageero xooggan ka heshay Talyaaniga & Heshiiska cusub ee la galay

0

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Gobolleedka Galmudug Cali Daahir Ciid oo maalmahaan ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa la kulmay Safiirka ku xigeenka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya H.E Fabio.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa la wadaagay Safiir Ku xigeenka guulaha muhiimka ah ee maamulka cusub gaar ahaan natiijadii dhowaan ka soo baxday shirkii Dhuusamareeb 3 ee u dhexeeyay madaxda DFS & Dowlad Goboleedyada.

labada mas’uul waxay diirada saareen xoojinta wada shaqeynta, sare u qaadida amniga iyo dardar galinta mashaariicda horumarineed ee ay wado dowlada talyaaniga, taas oo kor u qaaday nolosha dad badan.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa bogaadiyey shaqada weyn ee ay qabteen hoggaanka cusub ee Safaaradda isagoo ballan qaaday in Galmudug si dhow ula shaqeyn doono.