Galmudug Oo Ogolaatay Baaqii Dawlada Mareykanka & Faa’iidada Axmed Xaaf

0

Madaxweynaha Dawlad Gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa lasoo sheegayaa in uu ogolaaday Dhismaha Hay’ada La dagaalanka Argagaxisada.

Baaqaan ayaa waxa soo jeediyey kol hore Dawlada Mareykanka,iyadoo Xarun weyn laga hirgelinayo Galmudug oo laga duulaan qaado.

Hay’adaan La dagaalanka Argagaxisada Galmudug ayaa lasoo sheegayaa inay Dhaqaale ahaan bixineyso Dawlada Mareykanka.

Warar ayaa sheegaya in Madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf ayaa waxa uu faa’iido ka heli doonaa Hay’adaan oo ciidan loogu dhisayo Galmudug,Dhaqaalena lagu siin doono.

Muddo ayuu ka biyo diidanaa Xaaf Qorshahaan inuu ogolaado balse ugu dambeyn uu aqbalay si dantiisa Siyaasadeed uu uga faa’iideysto.

Mareykanka ayaa la sheegaa inuu Reer Galmudug si gaar ah isha ugu hayo Soomaalida maadaama uu kasoo jeeday ninkii sida weyn ay u raadin jireen Ee Generaal Maxamed Faarax Ceydiid.