Home WARARKA Galmudug Oo Lagu Kala Baxay//Tallaabada DF-ka Oo Hal Meel Kusii Jeedisey Seefteeda

Galmudug Oo Lagu Kala Baxay//Tallaabada DF-ka Oo Hal Meel Kusii Jeedisey Seefteeda

0
SHARE

Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa hadda qaadeysa Tallaabo Deg deg ah maadaama ay weysay Mid ka mid ah Xubnihii Taageerada umuujiyey.

Dhawaan Gudoomiyaha Maanta Codka Kalsoonida lagala noqday Cali Gacal Casir waxa uu sheegay inuusan raali ka aheyn Natiijada Shirkii Kismaayo Sidaa awgeedna uu la shaqeynayo Dawlada Dhexe.

Ku darso oo Gacal oo ay isku heyb yihiin R/wasaare Kheyre waxa uu heystay Kalsooni badan balse liinta waxa ku dhiijiyey Caanaha Madaxweyne Xaaf.

Waxay umuuqataa in Xaalada Galmudug lagu kala baxay balse Dawlada Dhexe ayaa uguntadeysa sidii Xaaf ay hirar sida kan badda ugu kicin laheyd uuna daaqada kaga baxo.

Seefta Dawlada waxa ay hadda umuuqataa mid Gasha lagala Baxay,ayna macquul tahay Xaaf iyo Waare in mar isku dhaw ay ka adkaato.

Xildhibaanada HirShabelle ayaa Dhankooda lacag badan loo ballan qaaday hadii ay ridaan Maxamed Cabdi Waare oo DF-ka Culeys Weyn ku Ah Si kululna uweeraray,dul duleeladeedana soo bandhigay.

Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan ayaa sheeda kala socda waxa soconaya,iyagoo ku faraxsan Sheekadii maanta ka dhacday Dhuuso mareeb ee lagu Ceeriyey Cali Gacal Casir oo Ku mabda’ ahaa Kheyre iyo Farmaajo.

Madaxweynaha Puntland C/weli Cali Gaas ayaa dhufeys kaga jira Duufaanta ay DF-ka soo fataheyso Ee Maamul Gobolleedyada ugu talo gashay inay ku maqaar siibto.

La Arki doonee Cida Badisa Dawlada Dhexe iyo Shanta Maamul Gobolleed Madaxdooda oo isku mabda’ ah Dagaalkii Maldahnaa ayaana hadda umuuqda mid la isku mindiyo baxsanayo.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE