Sargaal Al Shabaab Soo Dhaawaceen Oo Ku Geeriyooday Muqdisho

0

Isbuucii Hore ayey Al Shabaab Qarax Ku dhaawaceen Taliyaha Ururka Qeybta 43-aad Guutada-10aad-Ururka-49 ee Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed Gaashaanle Maxamed Dheere.

Qaraxaasi oo dhacay 12-kii Bishaan ayaa waxa lagu beegsaday Xilli ay marayeen Duleedka Degmada Baardheere Ee Gobolka Gedo.

Ilaaladiisa ayaa la dhaawacmay markaasi Taliye Maxamed Dheere,iyadoo si deg deg ah Loogu soo qaaday Diyaarad oo la keenay Muqdisho.
Saraakiil katirsan Xoogga Soomaaliya ayaa inoo xaqiijiyey In taliyaha uu Dhaawacaasi udhintay maanta oo Isniin aheyd.
Al Shabaab ayaa hore usheegtay inay Qaraxaasi iyagu ka dambeeyeen oo ay dhaawaceen taliye Maxamed Dheere,balse Lix cisho oo Dhaawaciisa Cusbitaal Digfeer lagu dabiibayey ayaa ugu dambeyn Maanta uu geeriyooday.