Home WARARKA Gaari Saraakiil La Shaqeysa Mareykanka La Socdeen Oo Lagu Rasaaseeyey Sh/Hoose &...

Gaari Saraakiil La Shaqeysa Mareykanka La Socdeen Oo Lagu Rasaaseeyey Sh/Hoose & Khasaaraha Oo…

0
SHARE

Wararka laga helayo Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in maanta lagu weeraray gaari ay la socdeen Saraakiil La shaqeysa Mareykanka oo lagu beegsaday Degmada wanla weyn.

Baabuurka ayaa la xabadeeyey,mar keliya oo wadada uu marayey looga soo daatay geedo ku yaallay Hareeraha wadada.

Al Shabaab ayaa war ay Maqribnimadii Caawa soo dhigeen Barahooda Internet-ka waxay ku sheegeen inay dileen Taliyihii Zaadka Ee Ciidanka Bangrafta.

Waxaa lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Cali,Al Shabaab ayaa sheegtay in ay weerarkaas uu najaxay sidii loo qorsheeyana uu ufulay.

Sidoo kale waxay sheegeen inay dileen Haweeneey katirsaneyd Hay’ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka inkastoo aysan magaceeda soo bandhigin.

Gaariga lagu rasaaseeyey Deegaanka War Maxan ayaa ka baxay Muqdisho waxaana uu kusii jeeday dhinaca Beli doogle sida ay Al Shabaab warka udhigeen.

Taliska Ciidamada Mareykanka Ee Beli doogle jooga iyo Dawlada Federaalka intuba kama aysan hadlin weerarkaas ay Al Shabaab ku sheegteen in Saraakiil ku dileen.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE