Fartaag & Iftin Baasto Oo Taariikh Ka dhigay Doorashadii Maanta Kismaayo

0

Mar kale waxaa maanta guuleystay Seneterada kala ah Iftix Xasan Iimaan (Iftin Baasto) iyo Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo hore jagadaan usoo hayey.

Hore ayey Warqaad usii sheegtay in Afarta Kursi ee maanta lagu tartamayey ay magacyada dadka guuleysanaya sii ogaatay kuwaas oo kala ahaa:

Iftin Xasan Baasto

Ilyaas Badel Gaboose

C/risaaq Maxamed Cusmaan

Iyo C/llaahi Sheekh Ismaaciil 

Afartuba waxay ahaayeen shakhsiyaad taageero ka heystay Madaxweyne Axmed Madoobe,balse doorashada qaar ayaaba dhib badan loo marin.

Labada senetor ee dib uxaqiijiyey kursigooda ee kala ah Iftix Xasan Iimaan (Iftin Baasto) iyo Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa wax la tartama waayey markii ay utanaasuleen shakhsiyaadkii ay doorashada geli lahaayeen.

Waxa Jubbaland ka imaanaya Afar Kursi kale oo weli Axmed Madoobe uusan soo gudbin murashaxiinta ku tartameysa iyadoo 8 Kursi Aqalka sare ay Jubbaland ku leedahay.

Waa Baarlamaankii 11aad ee Soomaaliya mid ay bilow utahay xubnaha maanta soo baxay,islamarkaana xildhibaanadii booska joogay