Farmaajo & Rooble oo ka tacsiyadeeyey geerida madaxweynihii Imaaraadka Carabta

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhambaal tacsi ah uga diray qoyska, shacabka iyo guud ahaan dowladda Imaraadka Carabta geerida ku timid, Alle ha u naxariistee, Madaxweynihii dalkaas, Mudane Sheekh Khaliifa Binu Saayid Aala Nahyaan.

“Mudane Maxamed Binu Raashid Aala Maktuum, Madaxweyne Ku-xigeenka Imaraadka Carabta, Mudane Maxamed Binu Saayid Aala Nahyaan, Dhaxal Sugaha Imaraadda Abu Dhabi, waxaan idinka, qoyska Madaxweynaha, shacabka iyo dowladda Imaraadka Carabka, la wadaagayaa murugada geerida ku timid, Alle ha u naxariistee, Sheekh Khaliifa Binu Saayid Aala Nahyaan, Madaxweynihii Dowladda Imaraadka Carabka.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa marxuum Alle uga baryey in uu u danbi dhaafo, kuna abaal mariyo jannooyinkiisa, isaga oo dowladda iyo guud ahaan shacabka Imaraadka Carabta u rajeeyay samir iyo iimaan.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shacabka iyo Dowladda Imaaraadka Carabta uga tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee madaxweynihii Dowladda Imaaraadka Carabta Sheikh Khaliif Bin Zayid Ala Nahyaan oo maanta geeriyooday.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa yiri“ Waxaan walaaleheenna Imaaraadka Carabta la qeybsaneynaa xanuunka iyo murugada ka dib geeridii ku timid Allaha u naxariistee Sheikh Khaliifa Bin Zayid, madaxweynihii Imaaraadka Carabta oo geeriooday maanta oo Jimce ah”

“Anigoo ka ku hadlaya magaceyga iyo magaca Shacabka Soomaaliyeed waxa aan uga tacsiyeynayaa qoyska marxuumka, dowladda Imaaraadka shacab iyo hoggaanba, Shucuubta Carabta iyo Islaamka, geerida Allaha u naxariistee Sheikh Khaliifa Bin Zayid oo ka mid ahaa haldoorka iyo hoggaanka Ummadda Carabta iyo Islaamka”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa marxuumka Alle uga baryay in uu naxariistii Janno ku manneysto, ehelkiisa, shacabka imaaraadka iyo guud ahaan ummadda Islaamkana Samir iyo iimaan ka siiyo.