Farmaajo Oo Siyaad Barre Duqeyntii Hargeysa Ka Raali geliyey Shacabka Wuqooyi

0

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu maanta ka dhawaajiyey inay Ka xun yihiin wixii Soomaaliland ku dhacay 1988-dii.

Duqeymihii Diyaaradihii Meliteriga Dawladii Siyaad Barre Hogaaminayey ay ku garaacday Hargeysa iyo Deegaanada qaar ee Gobollada Wuqooyi ayuu Farmaajo sheegay in ay aheyd wax laga xumaado.

“Waxa loo baahan yahay garawshiyo oo layska cafiyo wixii xuma ee dhacay, wixii jabtar madow ahaa ee taariikhdeena galayna inaan saxno macnaheedu waxay tahay in dhibkii ka dhacay waqooyi aanu cudurdaar iyo raali gelin ka samaynay, intii dhimatay iyo intii dhaawacantayna aynu nidhaahno taariikh xun ayey ahayd wixii dhacay, wixii halkaas ka dhacayna may ahayn koonfur oo waqooyi ku duushay wax qabiil ku salaysana may ahayn balse nidaam dawli ah oo ah oo markaa jiray ayey ahayd.”

Maalin ka hor ayuu Madaxweyne Farmaajo kula kulmay Adis ababa Muuse Biixi Cabdi taas oo durba shaki ka dhashay waxa keenay inuu hadda kusoo beego raali gelintaas Ee Reer Wuqooyi udiray.

“Aniga oo madaxweynihii qaranka ah inaan cudurkaas sameeyo oo raaligelintaas aan gaadhsiiyo walaalaheen reer waqooyi idinkuna aad ila qaadataan, dhanka kalana dadkii dagaalamiyey ee qoryaha watay iyagana cudurdaar ayaa laga rabaa.”

Waxaa la sugayaa Jawaabta ay soo bixiyaan Reer Soomaaliland Raali gelinta Farmaajo uu diray Maanta Duqeyntii loo geystay Deegaanadaasi qaar 32 Sano ka hor.