Farmaajo oo qirtay dambi ay Dowladiisa gashay iyo madaxda warbaahinta oo runta u sheegay

0

Madaxweynaha muddo xileedkiis dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabbilay qaar ka mid ah madaxda xarumaha warbaahinta gaarka loo leeyahay ayaa ugu hambalyeeyey Maalinta Caalamiga ah ee Xorriyadda Saxaafadda.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay sida ay mar walba Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’antahay dhowrista xuquuqda iyo xorriyadda saxaafadda iyada oo tallaabooyin muuqda loo qaaday dhankaas, taas oo ay tusaale u tahay qiimaynta sannadlaha ah ee ay 2020-ka sameeyeen ururrada u dooda warfidiyeenka oo xaqiijiyay in dalka uu sameeyey horumar dhanka xorriyadda iyo xuquuqda saxaafadda ah.

“Anigoo magacayga ku hadlaya, waxaan rabaa inaan idiinku hambalyeeyo maanta oo ah Maalinta Caalamiga ah ee Xorriyadda Saxaafadda. Annagu waxaan aamminsan nahay in saxaafaddu ay xor noqoto, Sida aad idinku qirteen waxaa hubaal ah in xilligan la idiin la macaamilo si ka wanaagsan sidii hore. Waxaan idinku boorrinayaa in aad sii labo jibbaartaan dadaalkiinna idinka oo sawir qurux badan ka gudbinaya dalka, xoojinaya midnimada, waddaniyadda iyo dal jacaylka.”

Dhankooda, Madaxda Warbaahinta Gaarka Loo Leeyahay ayaa Madaxweynaha la wadaagay in ay laga ma maarmaan tahay in Dowladdu ay xaqiijiso xorriyadda iyo madax-bannaanida warbaahinta, waxa ay sidoo kale soo gaarsiiyeen dhacdooyin iyo falal ay tabasho ka qabeen, iyaga oo codsaday in arrimahaas wax laga qabto.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qiray in dowladdiisu ay khaladaad ka gashay Warbaahinta madaxa bannaan, sidoo kalena uu sheegay in ay u madx bannaan yihiin sheegista wixii dalka ka dhaca, balse ay muhiim tahay inay kala hadlaan dadka ay quseeyso.

Muqdisho-Somalia