Farmaajo oo la kulmay hogaamiye uu la kulankiisa dhaqaalo badan ku bixiyey [Sawir]

0

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa wuxuu la kulmay dhigiisa Mareykanka, Donald Trump. Villa Soomaaliya waxay baahisay sawiradda labadda hogaamiye oo ay wehliyaan marwooyinkooda.

Illo wareedyo ka tirsan xafiisyadda labadda dhinac ayaa xaqiijiyey in kulankooda diiradda lagu saarey arrimo quseeya; amniga, dagaalka Al-Shabaab, deyn cafinta iyo xoojinta taageeradda Mareykanku siiyo Soomaaliya.

Kulankan oo in muddo ah laga soo shaqeynayey ayaa waxaa uu noqonayaa midkii ugu horeeyay oo uu Farmaajo la yeesho Trump. Wararka qaarkood ayaa sheegaya in Farmaajo ay lacag badan uga baxday lakulanka Trump.

Mareykanka ayaa kamid ah dalalka taageeradda buuxa la garab taagan xukuumadda Muqdisho, waana mid kamid ah dalalka ugu badan oo ay Washington siiso tabarucaada ugu badan ee dhanka dhaqaalaha.

Farmaajo ayaa dhowaan wareejiyay Baasaboorkii Mareykanka, waana mid kamid ah sababihii ka hortaagnaa in uu la kulmo Trump, maadaama hadii uu sito uu lamid noqonayo muwaadiniinta caadiga ah ee Mareykanka.