Farmaajo Oo caawa weerar afka ah ku qaaday Kenya kana hadlay guushii dacwada Badda

0

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay halgankii loo soo maray dacwada badda ee galabta loo xukmiyey Soomaaliya.

Khudbad muuqaal aheyd uu caawa soo duubay madaxweynaha ayuu kaga hadlay doorkii laga qaatay in la hor istaago damacii Kenya ay ku dooneysay inay ku xalaaleysato qeyb ka mid ah Baddeena.

Waxa uu bogaadiyey go’aanka maxkamada ICJ ee sida cadaalada ah ugu xukuntay Soomaaliya baddii ay Kenya kusoo xad gudubtay si indho la’aanta ahna ay ku dalbatay in ay qaadato.

Farmaajo ayaa weerar afka ah ku qaaday Dawlada Kenya isagoo sheegay in dhowr waxyaabood ay isku dayday si ay umarin habaabiso shacabka iyo ra’yil caalamka.

Waxa uu soo hadal qaaday duqeymaha indho la’aanta ah ay Kenya ka fuliso deegaano katirsan gobolka gedo oo naf iyo maal khasaaro ah geysteen.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA