Fahad Yaasiin oo maanta la wareegay Xilka & Xogta wixii lagula ballamay inuu qabto

0

Waxaa maanta gelinkii hore Xaflad ka dhacday Madaxtooyada Soomaaliya xilka kula wareegay Lataliyaha cusub Ee dhinaca amniga qaranka Madaxweyne Farmaajo dhawaan Magacaabay.

Warbaahinta oo aan lagu casuumin munaasabada ayaa waxa goob joog ka ahaa Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo xilka la wareegay.

Gudoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Cali yare ayaa faah faahin ka bixiyey wixii lagula ballamay Fahad markii maanta xilka lagu wareejinayey.

“Waxaan ka soo baxay munaasab kooban oo uu xilka Xafiiska Amniga Qaranka kula wareegayay Agaasimihii hore ee NISA, La-Taliyaha Amniga Qaranka MD. Fahad Yassin H. Dahir.

Munaasabadda oo ka dhacday Madaxtooyada Qaranka waxaana ka qeybgalay maddaxda kala duwan ee amniga oo ay munaasabaddu quseysay.

La-Taliyaha waxaa looga fadhiyaa Tayeynta ciidamada kala duwan ee dalka iyo guud ahaan laamaha kale ee Amniga

Fahad Yasin waa saaxiib ku tilmaaman karti iyo dadaal laguna yaqaan inuu yahay shaqsi xafiiskii loo igmado ka qabta shaqo muuqata oo mirodhal ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa 7 September wuxuu MD Fahad Yassin u dalacsiiyay inuu noqdo La-Taliyaha Amniga Qaranka ee Xafiiska Madaxweynaha”.