Faahfaahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay deegaanka Golweyn ee gobolka Sh/Hoose

0

Wararka ka imaanaya deegaanka Golweyn oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Buulo mareer ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in Saakay uu halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo dhexmaray ciidanka ATMIS gaar ahaan kuwa ka socda dalka Uganda iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab.

Dagaalka dhexmaray Al-shabaab iyo ciidanka Uganda ayaa yimid kadib markii dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhiga ciidanka Uganda ay ku leeyihiin deegaanka Golweyn ee gobolka Sh/hoose, waxaana dadka degaanka ay sheegeen in labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, hayeeshee lama oga khasaaraha rasmiga ee kala gaaray labada dhinac.

Ciidamada Uganda ayaa la tilmaamay iney rideen tiro madaafiic ah oo ay ku garaaceen jihada ay weerarka kasoo qaadeen dagaalamayaasha Al-shabaab, walow aanan wali lasoo warin khasaaraha ay geysteen madaafiicdaasi ay rideen ciidanka Uganda.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinacyada Maanta ku dagaalamay deegaanka Golweyn ee gobolka sh/hoose, waxaasa la filayaa in saacadaha soo socda ay war kasoo kala saaraan labada dhinacba dagaalka saakay dhexmaray.

Al-shabaab ayaa mudooyinkii dambe kordhisay weerarada iyo qaraxyada ay ku beegsanayaan Saldhigyada ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS, kuwa dowladda Fedaraalka iyo maamul goboleedyada dalka.

Muqdisho-Somalia