Faahfaahin: Dad rayid ah oo markale lagu Xasuuqay duleedka magaalada Gaalkacyo

0

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar lagu qaaday dad rayid ahaa oo ku socdaalayey qeybo ka mid ah gobolka Mudug.

Dabley hubeysan ayaa lagu soo warramayaa in xalay gaari Rakaab ah oo marayay agagaarka deegaanka Saaxo oo hoostaga magaalada Gaalkacyo ay ku fureen rasaas geysatay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay weerarkaasi, halka ay ku dhaawacmeen, tiro intaasi ka badan, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka.

Raggii ka dambeeyey falkaasi ayaa goobta isaga baxsaday, sida aan wararka ku heleyno.

Dadkan shacabka ah ee la rasaaseeyey ayaa ka soo ambabaxay degmada Galdogob, waxaana la sheegay inay ku soo jeedeen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Lama oga ujeedka loolaayey dadkaasi, mana jiro weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka oo ku aadan dhacdadaasi.

Inta badan waxaa gobolka Mudug ka dhaca dilal qorsheysan iyo dagaallo salka ku haya dilal la xariira aanooyin Qabiil.

Dhawaan ayey aheyd markii dad rayid ahaa oo gaarayay 13 Qof lagu toogtay magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo ka soo jeeday deegaanada Koonfur Galbeed iyo HirShabelle.