Home WARARKA Faah faahin Dheeraad Ah: 700 Qof Oo Xalay Guryahooda Lagala Baxay Muqdisho

Faah faahin Dheeraad Ah: 700 Qof Oo Xalay Guryahooda Lagala Baxay Muqdisho

0
SHARE

Ciidamada Dawlada Soomalaiya ayaa Howlgal Qorsheysan laga sameeyey Xaafado ku yaalla Degmooyinka Waaberi iyo Xamar Jajab Ee Magaalada Muqdisho.

Xaafadaha qaar ayaa ciidanku galeen oo dad hurdaya ay soo kaxeysteen,si gaar ahna loo bartilmaameedsanayey dhalinyarada.

Waaxda Maajo ayaa aad loo baaray,waxaana kudhawaad 700 Qof Lagu soo qab qabtay,kuwaasi oo la geeyey Saldhig Galbeed Degmada Dharkiinleey.

Sidoo kale Xaafada Afasiyooni ayaa dad kale lasoo qab qabtay kuwaasi oo tuhmanayaal Shabaab ah lagu sheegay.

Howlgalka ayaa xalay laga sameeyey Xaafadaha Degmooyinka Waaberi iyo Xamar Jajab,islamarkaana baaritaan ciidanku ku wadaan dadkii lasoo qabtay.

Warar hoose ayaa sheegaya in dadka lasoo qabtay Xalay uu ku jiro Nin katirsanaa Shabaab oo Hore degmada Waaberi ku dilay Taliyihii Saadka Gen. Cabdulle Qururux.

Amniga Caasimada Muqdisho ayaa waxa uu maalmihii dambe faraha ka baxay oo qaraxyo iyo dilal qorsheysan ay ka dhacayeen.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE