Faah faahin: Dagaalka Ciidanka Yuusuf Daba geed & kuwa HirShabelle Udhaxeeya

0

War goordhaweyd kusoo dhacay Warqabadkeena ayaa sheegaya in dagaal xoog leh uu ka socdo Duleedka Degmada B/weyne Ee Gobolka Hiiraan.

Deegaanka Kalabeyrka ayaana rasasata la isku weydaarsanayaa taas oo udhaxeysa Ciidamo kala taabacsan Booliska HirShabelle iyo askar daacad u ah gudoomiyihii xilka laga qaaday Gobolka Hiiraan Yuusuf Daba geed.

Inta la og yahay Labo Qof ayaa dhintay oo midkood yahay Taliyihii Qeybta Booliska Gobolka Hiiraan Gaashaanle dhexe Maxamed Macoow.

Waxa jira Saraakiil ku dhaawacmay uuna ku jiro Taliye kuxigeenka Booliska Magaalada B/weyne,weli waxaa la maqlayaa rasaasta,magaalada B/weyne waxa laga dareemayaa xiisadaasi ka dhalatay dagaalkaasi.

Maalmihii dambe ayaa waxa la dareemayey Xiisad iyo dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda taasi oo ka dhalatay diidmadii uu sameeyey Gudoomiye Yuusuf Daba geed oo labo cisho ka hor xilka laga qaaday.

Naga filo wixii soo kordha insha allaah