Erdogan Oo dar daaran cajiib ah siiyey Dawlada Madaxweyne Farmaajo (Akhriso)

0

Sii Hayaha Xilka Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya Eng, Cabdullaahi Cali Xasan ayaa Shir kaga qeyb galay Muqdisho.

“Waxa aan habka muuqaal arag ah ee Internetka aan kaga qeyb-galay shirka iskaashiga dhaqaalaha iyo ganacisga ee Turkiga iyo dawladaha Afrika oo ay goob-joog ka ahaayeen Madaxweynaha dalka Turkiga Mr. Recep Tayyip Erdogan iyo Wasiiradda Ganacsiga iyo Warshadaha dalkaasi Mrs. Ruhsar Pekcan sidoo kalena ay ka soo qeyb-galeen Wasiirada Ganacsiga iyo Warshadaha dalalka Afrika iyo weli ba sidoo kale madaxda Midowga Afrika, COMESA iyo mas’uuliyiin kale.

Shirka oo muhiim u ahaa Soomaaliya iyo Afrika ba, ayaa loogga hadlay sii xoojinta iskaashiga Turkiga iyo Afrika gaar ahaan horumarinta dhinacyada Ganacsiga, Maal-gashiga, Korontada, Khayraadka dabiiciga ah, Beeraha, Horumarinta Xoolaha, Waxbarashada Caafimaadka, Kalluunka iyo Sayniska iyo Tiknoolojiyadda. Waxa sidoo kale loogga hadlay saameynta COVID-19 ee ganacsiga iyo wax-soo-saarka dalalka Afrika taas oo la isla-gartay in xoogga la saaro dhinaca wax-soo-saarka beeraha si loogga soo kabto saameynta dhaqaale ee COVID-19.

Waxa kale oo xusid mudan in khudbaddii aan halkaas ka jeediyey aan kaga hadlay sida uu u soo kabanaayo dhaqaalaha Soomaaliya iyo in maanta uu wadanku horumar ka gaadhay dhinacyada shuruucda, siyaasadaha iyo fududeynta ganacsiga ba. Sidoo kale na ay Soomaaliya maanta diyaar u tahay inay soo-dhaweyso maal-gashadayaasha caalamiga ah.
Arrinta kale ee muhiimka ahi waxa weeye in heshiisyaddii dhaqaale iyo ganacsi ee ay hore u wada-galeen Soomaaliya iyo Turkiguba ay noqdeen kuwo horumar laga gaadhay. Sidoo kale Turkigu wuxu dalka ka sameeyey maal-gashiyo kor-u-qaaday kaabeyaasha dhaqaalaha iyo dhismeyaasha ba. Sidaas darteed Soomaaliya waxay mar walba diyaar u tahay inay xoojiso xidhiidhka dhaqaale iyo ganacsi ee kala dhaxeeya Turkiga iyo dunida kale ba, waxaana qorshaha nooggu jirta in sida ugu dhakhsaha badan loo dhammeystiro heshiiska TEPA oo muhiim u ah Soomaaliya iyo Turkiga.

Ugu dambeyn, waxa aan u mahad-celinayaa Madaxweynaha Turkiga iyo weliba Wasiiradda Ganacisiga wadankaasi oo runtii kaalin weyn ka qaatay iskaashiga ganacsiga iyo dhaqaalaha ee Soomaaliya iyo Turkiga oo muddooyinkii dambe ku tallaabsaday horumar aad u baaxad weyn.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha JFS
Eng Abdullahi Ali Hassan