Dowladda Kenya oo u hanjabtay dadka Soomaaliyeed kana qaadatay go’aan adag

0

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay dalkeeda ka tarxiili doonto Soomaalida ku dhaqan dalkaasi ee sharci la’aanta ah, islamarakan ku nool deegaano kala duwan oo dhaca dalka Kenya

Kenya ayaa sidoo kale  sheegtay inay si gaara u beegsan doonto dadka looga shakiyo argagixisada, kuwaas oo ay hantidooda la wareegi doonto, si shuruud la’aan ah.

Waxaa kaloo dowladda Kenya ay sheegtay iney aad ula socoto dhaqdhaqayada ciidamada dowladda Federalka ay kawadaan xadka Labada dal, iyadoo tilmaamat iney aad kaga xuntahay isdhiibistaa Janan ee dowladda dhexe.

Sidan oo kale Arbacadii Todobaadkan dowladda Kenya ayaa go’aan kama dameysta oo lagu xirayo xerooyinka qaxootiga Soomaalida ee Dadaab iyo Kakuma soo saartay iyadoo oo u qabatay 14 cisho oo kaliya.

Kenya ayaa arrimahaan oo dhan u sameyneysa dacwadda Badda oo ay ka quusatay islamarkaana ay Soomaaliya rajo ka qabto iney ku guuleysato, iyada oo ay xusid mudantahay in xitaa aysan xaadirin.

Xiisadda Dibloomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya ayaan wax xal ah laga gaarin waxaana ugu dambeysay guddi ay Jabuuti horkaceysay oo sheegay in aysan jirin xad gudub ay Kenya ku heyso Soomaaliya taa oo ay Dolwadda Federalka ka xumaatay.

Muqdisho-Somalia